December 31 (Radiowanlaweyn.com)Mudanayaasha labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maanta kullankii koowaad ku yeeshay xarunta baarlamaanka ayaa waxay ugu hadleen arrimaha doorashooyinka gaar ahaan lacagaha laga rabo murashaxiinta Madaxweynaha iyo Guddoonka baarlamaanka, waxayna go’aamiyeen khidmooyin laga qaadayo murashaxiinta.

Dood dheer kadib waxay xildhibaanada baarlamaanku ansixiyeen in murashaxa u taagan xilka Madaxweynaha laga qaado lacag dhan 30,000 Doolar oo aha qiimihii ugu badnaa ee uu bixiyo musharax madaxweyne, halka musharixiinta Guddoonka Baarlamaanka laga rabo inay bixiyaan lacag dhan 15,000 Doolar.

Qiimaha ay maanta ansixiyeen xildhibaanada baarlamaanka ayaa la mid ah midkii ay hore  hogaamiyaasha Madasha Wadatashiga Qaran u soo saareen,

Sidoo kale, kulanka baarlamaanka maanta ayay xildhibaanada waxa ay ku diideen in guddiga doorashooyinka dadban ay ka mid noqdaan dadka kormeeraya doorashada madaxtinimada dalka Soomaaliya.

Musharixiin badan ayaa laga yaabaa inay ka haraan doorashada iyadoo lacagtu aad uga badan tahay doorashadii hore ee musharaxa madaxweyne uu bixiyay 10,000 Doolar.

 

ibraahim buule

 

Email:Radiowanlaweyn@gmail