December 30 (radiowanlaweyn.com)— Waxaa munaasabad ballaaran lagu qabtay xarunta weyn ee Jaamacadda Plasma, kaasoo ay ku qalin jebinayeen dufcadii 7aad ee dhameysata waxbarashada heerka jaamaceed.

779 Arday oo ka baxay kulyadaha kala duwan ee Jaamacadda ayaa loo sameeyay Munaasabadda qalin jebinta aheyd.

Waxaa munaasabada ka qeyb galay Guddoonka Jaamacadda Plasma Prof. Hassan Maxamed Hassan, Agaasimaha Hidaha iyo tacliinta sare ee Wasaaradda Waxbarashada Ismaaciil Cusmaan Yuusuf, Madax ka socotay jaamacadaha dalka, isbitaalada iyo shirkadaha iyo waalidiin

Waxaa ugu horeyn munaasabadda ka hadlay Guddoomiyaha Jaamacadda Plasma, isagoo ardayda ku guubaabiyay inay dadaalkooda sii wadaan.

Agaasimaha Hidaha iyo Tacliinta sare Ismaaciil Cusmaan Yuusuf ayaa sheegay in Jaamacadda Plasma ka mid tahay jaamacadaha wax tarka u leh bulshada, isla markaana ay ka soo aflaxeen arday fara badan oo noloshooda heer ka gaaray.

Munaasabadda ayaa waxaa ay ku soo dhamaatay jawi wanaagsan, iyadoo shahaadooyin la guddoonsiiyay ardaydii qalin jebisay.

plasma7plasma5plasma4plasma3plasma2plasma1plasma

ibraahim buule siyaasi
Email:Radiowanlaweyn.@gmail