December 27 (Radiowanlaweyn.com)— Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sharci darro ku tilmaamay inay jiraan wax la yiraah Aqalka Hoose, isagoo caddeeyay in Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ay yihiin kuwa sharciga ah.

Isagoo jeedinayay Khudbadiisa u dambeeyay ee xil wareejinta Guddoonka Baarlamaanka ayaa sheegay in Xildhibaanada la doortay ay yihiin Golaha shacabka, waxaa uu ku baaqay wixii hada ka dambeeya lagu dhawaaqo golaha shacabka.

“Wax la yiraahdo Aqalka Hoose ma jiraan, waa Golaha shacabka, iyo Aqalka Sare, haloo sheego nimanka dhahaya Lower House”ayuu yiri Jawaari.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in wixii hada ka dambeeya uu dhismay baarlamaanka 10aad, isla markaana isaga ay ka dhamaatay howsha, wixii hada kaddibna loogu yeeri doono Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka.

Dhinaca kale Guddoomiye kuxigeenkii hore Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay isna cadeeyay Madasha wada-tashiga qaran aanay talada dalka laheyn wixii hada ka dambeeya, isla markaana Baarlamaanka hada jira ee 10aad uu yahay mid ka taliya dalka.

ibraahim buule
Email:Radiowanlaweyn@gmail