December 24 (Radiowanlaweyn.com)— Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa sheegay inay ka jirto xiisad u dhaxeysa Ciidamada Puntland iyo Galmudug, kuwaasoo shalay dagaal kooban ku dhex maray galbeedka magaalada

Sida ay sheegayaan wararka dagaalkii shalay oo ahaa mid ku bilowday madaafiic ay labada ciidan is weydaarsadeen ayaa ka dhacay halka loo yaqaano Dooxada Barda Dheere ee xaruntii hore ee warshada galeyda.

Labada dhinac ayaa isku eedeeyay inuu dagaalka ku soo qaaday midba midka kale, isla markaana ay buriyeen xabad joojintii horay loo gaaray.

Guddiga loo saaray xalinta dagaalkii dhacay ee heshiiska laga gaaray ayaa sheegay inay ka cabsi qabaan in mar kale dagaal ka dhex qarxo labada dhinac.

Bishii la soo dhaafay ayaa waxaa magaalada Gaalkacyo lagu gaaray heshiis nabadeed oo lagu soo afjaray colaadii ka taagneyd magaalada, waxaana heshiiskaas goob joog ka ahaa Wakiilka Qaramada Midoobey iyo xubno ka socday Beesha Caalamka

ibraahim buule