December 24 (Radiowanlaweyn.com)— Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa ogolaaday qaraar ku baaqaya in la joojiyo deegaameynta sharci darada ee ay Israel ka wado dhulka ay xoogga ku heysato ee Falastiin.

Mareykanka ayaa diiday inuu u adeegsado codka qayaxan ee Veto, waxaana taas keentay in loo codeeyo oo Goluhu isku raaco.

Dalal ay ka mid yihiin Malasysia, New Zealand, Senegal iyo Venezuela ayaa mar kale gudbiyay qoraalkan, kaddib markii ay horay u soo diyaarisay Masar, isla markaana dib loo celiyay.

Israel ayaa cambaareysay tallaabada Mareykanka ee ku aadan codeynta qaraarkan, waxaana horay loo ogaa in Mareykanka uu is hor-taagi jiray in UN-ka ay si toos u cambaareyso Israel.

Hase ahaatee Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa markii ay dhacday codeynta waxaa uu bartiisa Twitter-ka ku qoray in arrimaha ay is bedeli doonaan, marka uu 20-ka bisha Janaayo xilka la wareego.

Deegaameynta Israel ka wado dhulka Falastiniyiinta ayaa ahaa mid sii xoogeysanayay, waxaana uu caqabad ku ahaa wada hadalada nabadeed ee bariga Dhexe.

Tan iyo sanadkii 1967 oo ay Israel qabsatay dhulka daanta galbeed ee Qudus, waxay ka dhiseyso guryo badan.

December 24 (Jowhar)— Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa ogolaaday qaraar ku baaqaya in la joojiyo deegaameynta sharci darada ee ay Israel ka wado dhulka ay xoogga ku heysato ee Falastiin.

Mareykanka ayaa diiday inuu u adeegsado codka qayaxan ee Veto, waxaana taas keentay in loo codeeyo oo Goluhu isku raaco.

Dalal ay ka mid yihiin Malasysia, New Zealand, Senegal iyo Venezuela ayaa mar kale gudbiyay qoraalkan, kaddib markii ay horay u soo diyaarisay Masar, isla markaana dib loo celiyay.

Israel ayaa cambaareysay tallaabada Mareykanka ee ku aadan codeynta qaraarkan, waxaana horay loo ogaa in Mareykanka uu is hor-taagi jiray in UN-ka ay si toos u cambaareyso Israel.

Hase ahaatee Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa markii ay dhacday codeynta waxaa uu bartiisa Twitter-ka ku qoray in arrimaha ay is bedeli doonaan, marka uu 20-ka bisha Janaayo xilka la wareego.

Deegaameynta Israel ka wado dhulka Falastiniyiinta ayaa ahaa mid sii xoogeysanayay, waxaana uu caqabad ku ahaa wada hadalada nabadeed ee bariga Dhexe.

Tan iyo sanadkii 1967 oo ay Israel qabsatay dhulka daanta galbeed ee Qudus, waxay ka dhiseyso guryo badan.

ibraahim siyaasi
Email:Radiowanlaweyn.@gmail