December 23-(Radiowanlaweyn.com)Ciidamada dowlada Siiriya ayaa si buuxda ula wareegay magaalada labaad ee ugu weyn dalka Siiriya ee Xalab kadib lix sano oo ay ku dagaalamayeen ciidamo daacad u ah Madaxweyne Assad iyo maleeshiyaadka kooxaha mucaaradka.

Kooxdii ugu dambeysay oo isugu jirtey dagaalyhano ka tirsan mucaaradka iyo dad rayid ah ayaa khamiistii laga saaray magaalada Xalab oo labo dhinac u kala qeybsanayd lixdii sano ee la soo dhaafay.

Taleefishinka dowlada Siiriya ayaa laga daawaday rasaas cirka loo ridayo iyo dabaaldagyo ka socda Galbeedka Xalab iyadoo laga arki karay askar xiran dareeska ciidamada iyo dad rayid ah oo sita boorar lagu taageerayo Madaxweyne Assad.

In laga daadgureeyo dadka rayidka ah iyo maleeshiyaadka mucaaradka ku ah dowlada Siiriya ayaa la bilaabay toddobaadkii hore kadib markii kooxaha mucaaradka ay oggolaadeen inay is dhiibaan kana baxaan Bariga Xalab.

Illaa 35,000 oo ruux oo isugu jira dad rayid ah iyo maleeshiyaadka mucaaradka ayaa laga daadgureeyay magaalada xalab dhinaceeda Galbeed. Sarkaal ka tirsan kooxda mucaaradka ee Ahrar al-Sham Axmed Qorra Cali ayaa xaqiijiyay in kolonyadii ugu dambeysay ay ka baxday magaalada Xalab.

Ururka laanqeyrta Cas ayaa hore u sheegay in dagaalyahano gaaraya afar kun ay isaga baxeen deegaanadii ay hore ugu sugnaayeen marxaladihii ugu dambeysay ee daad gureynta ay socotay.

Kooxda mucaaradka ayaa oggolaatay inay dagaalyahanadeeda ay ka saaraan goobihii ay haysteen kadib dagaal socday muddo bil ah kaasoo inta badan magaalada Xalab ay qabsadeen ciidamada dowlada.

Heshiiska ah in laga daadgureeyo dadka rayidka ah iyo weliba maleeshiyaadka mucaaradka ayaa waxaa ka dambeeyay dowlada Ruushka oo bilowday in ay cirka ka duqeyso magaalada Xalab sanadkii hore iyadoo taageeraysa dowlada Siiriya iyo weliba dowlada Turkiga oo taageerayay qaar kamid ah kooxaha mucaaradka.

Qabsashada Bariga Xalab ayaa waxa ay ku tahay dharbaaxo weyn kooxda mucaaradka tan iyo markii uu dagaalka sokeeye ka bilowday dalka Siiriya bishii March 2011 iyadoo ay dagaalada ku dhinteen dad gaaraya 310,000 oo ruux tan iyo xilligaas.

Dowlada Siiriya ayaa waxaa hadda gacanta ku haysaa shanta magaalo ee ugu waaweyn dalka Siiriya ee kala ah Xalab,Homs,Hama,Dimishiq iyo Latakiya.

i

 

j

n

xalah

ibraahim buule siyaasi
Email.Radiowanlaweyn.@gmail