December 22 (Radiowanlaweyn.com)Maanta ayaa dib loo bilaabay doorashada xildhibaanada aqalka hoose ee xubnaha kasoo jeeda gobolada Waqooyi Somaliland, iyadoo afar xildhibaan lagu doortay magaalada Muqdisho.

Doorashada afarta kursi ee kuraasta aqalka hoose ee Gobolada Waqooyi ayaa waxay tirada illaa iyo hada Muqdisho lagu doortay ka dhigeysaa 29 Xildhibaan, waxaana ka harsan 17 Xildhibaan. Afarta kursi ee maanta la doortay ayaa waxaa ku guuleystay xubnaha hoos ku qoran:.

Kursiga Beesha Ciidagale/ Danwadago: Waxaa ku guuleystay Biixi Imaan Cige oo helay 47 cod.

Kursiga Beesha Arab /Guulane: Waxaa ku guuleystay Cabdirisaq Dahir Mohamud oo helay 49 cod.

Kursiga Beesha Muuse Dhariyo: Waxaa ku guuleystay Siciid Maxamed Maxamud, oo helay 43 cod.

Kursiga Beesha Ciidagale/Baha Deqsi: Waxaa qaatay Xusen Carab Ciise kadib markii uu tanaasulay musharixii la tartamayay.

 

ibraahim buule

 

Email.Radiowanlaweyn.@gmail