December 21 (Radiowanlaweyn.com)Xasan Sheekh Max’uud ayaa xarunta madaxtooyada ku qaabilay gabadhii ugu horreysay ee Soomaali ah oo ka mid noqotay golaha wakiillada xisbiga Dimoquraadiga dalka Mareykanka Ilhaan Cumar taas oo shalay soo gaartay magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha, ayaa uga mahadceliyey Ilhaan booqashada ay dalka ku timid, wuxuuna sidoo kale ugu hambalyeeyey guulihii ay ka soo hoysay doorashooyinkii ay ka qeyb-gashay ee dalka Mareykanka, ugu dambeynna ay ku guuleystay kursigii ay u tartameysay.

Madaxweyne Xasan ayaa uga warbixiyay Ilhaan doorashooyinka dalka ka socda oo heer gabo-gabo ku dhow, wuxuuna ugu baaqay in ay bulshada xog wareysi la yeelato si ay u ogaato dadaalka dowladdu sameysay, iyadoo kaashaneysa shacabka Soomaaliyeed oo dhan afartii sanno ee la soo dhaafey.

Dhanka kale Ilhaan Cumar oo safarkeeda ku wehliyay seygeeda, ayaa farxad iyo reyn reyn ku tilmaamtay kulanka ay madaxweynaha la yeelatay iyo sida loogu soo dhoweeyey magaalada Muqdisho.

 

 

ibraahim buule siyaasi

 

Email.Radiowanlaweyn.@gmail