December 21 (Radiowanlaweyn.com)Qaraxyo is xigxigay oo badan ayaa waxay ka dheceen suuq ku yaalla duleedka caasimadda dalka Mexico ee Mexico City. Suuqa ayaa lagu iibinayay rashka iyo baaruudda la adeegado xilliyada dabaaldegyada. Sida ay dowladdu xaqiijisay waxaa qaraxyadaasi ku dhintay ugu yaraan 29 ruux.

Sidoo kale, tobannaan qof oo kale ayaa ku dhaawacantay qaraxyada. Muuqaal si toos ah TV looga baahiyay ayaa muujinayay sida uu ku bilowday dab qabsaday qeyb ka mid ah suuqa.

Ka dibna meesha waxaa la arkayay qaraxyo si is xigxiga u dhacaya iyo holac iyo qiiq hawada isku shareeray.

Dadka ayaa ka kala cararay suuqa San Pablito cabsi aawadeed. Dhacdooyiin tan la mid ah ayaa suuqan baabi’iyay sanadihii 2005 iyo 2006-dii.

 

 

ibraahim buule

 

Email.Radiowanlaweyn.@gmail