December 21 (Radiowanlaweyn.com)Qoraal lasoo dhigay barta warbaahinta ISIS ee Amaq ayaa waxaa ay ISIS ku sheegatay masuuliyadda weerarkii doraad galab ka dhacay suuq laga dukaameysto kaas oo ku yaal caasimadda dalka Jarmalka ee Berlin.

Booliska dalka Jarmalka ayaa weerarkaasi waxa ay u qabteen 23 jir Pakistani qoxooti ah kaddib markii uu qof shacab ahi far fiiqay xilli uu ka ag dhowaa goobta uu shilku ka dhacay, waxaana baaris dheer kaddib ay iminka sii daayeen boolisku ninkaasi oo lagu waayay wax caddeymo ah.

Darawalkii lagu ogaa gaarigaasi oo kasoo jeeday dalka Poland ayaa waxaa meydkiisa laga helay kursiga darawalka kan ku xiga isaga oo meyd ah, waxaana ay boolisku sheegeen in la toogtay lana mindiyeeyay.

Iminka waxa ay boolisku baadigoobayaan ninkii gaarigaasi waday ee fuliyay falka argagixiso, walow aysan wali hayn goob ay abaaraan.

Weerarkaasi ayaa waxaa ku dhintay 12 ruux, waxaana ku dhaawacmay 48 kale.

 

ibraahim buule siyaasi

 

Email.Radiowanlaweyn.@gmail