December 21(Radiowanlaweyn.com)  Deeq lacag ah oo ay iska soo ururiyeen ardayda wax ka barata jaamacada Jobkey oo ka mid ah jaamacadaha ugu waaweyn dalka Soomaaliya ayaa loo qeybiyay bukaanada ku jira labo isbitaal oo ku yaal magaalada Jowhar xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle.

Bukaanada la gaarsiiyay deeqda lacagta ah ayaa waxaa ay badankood ahaayeen qaar uu soo ritey cudurka shuban biyoodka iyo bukaano xanuuno kale uu hayo.

Deeqdan ayaa waxaa la gaarsiiyay isbitaalka weyn ee Intersos iyo xarun ay hay’ada IMC ka sameysay magaalada Jowhar taasoo lagula tacaalo cudurka shuban biyoodka.

Qeybinta deeqdan lacagta ah oo ah tii ugu horeysay ee ay arday soo gaarsiiyaan bukaanada ku jira isbitaalada Jowhar tan iyo markii uu cudurka shuban biyoodka uu dhowaan lagu arkay deegaano ka mid ah gobolka Sh/dhexe ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiyaha maamulka gobolka Sh/dhexe Mudane Axmed Meyre Makaraan,  Duqa magaalada Jowhar Saalax Mudey Cali,Guddoomiyaha Jaamacada Jobkey faraceeda Jowhar Inj Cali Aadan Axmed.

Guddoomiyaha Jaamacada Jobkey Proff C/siis Caagane C/samad ayaa sheegay in deeqdan ay tahay mid ay iskood isaga soo ururiyeen ardayda wax ka barata Jaaamacada Jobkey ee ku kala yaal qaar kamid ah gobolada dalka Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta labada isbitaal ee magaalada Jowhar ee la gaarsiiyay deeqdan lacageed ayaa ka mahadceliyay. Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa ku tilmaamay deeqdan ay ardayda Jobkey University wax ka dhigata soo gaarsiiyeen bukaanada ku jira isbitaalada ku yaal Jowhar mid wax ku ool ah. “Ardayda waa udub dhexaadka bulshada haddii ay iskaashadaana waxaa loogaga maarmi karaa deeqaha shisheeye”ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Axmed Meyre Makaraan.

Deegaano ka mid ah gobolka Sh/dhexe ayaa waxaa ka dilaacay cudurka shuban biyoodka iyadoo dad kabadan lixdan ruux ay ugu dhinteen cudurkan saddexdii toddobaad ee la soo dhaafay.dsc03635dsc03651dsc03701dsc03771dsc03837dsc03856

December 21(Jowhar)  Deeq lacag ah oo ay iska soo ururiyeen ardayda wax ka barata jaamacada Jobkey oo ka mid ah jaamacadaha ugu waaweyn dalka Soomaaliya ayaa loo qeybiyay bukaanada ku jira labo isbitaal oo ku yaal magaalada Jowhar xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle.

ibraahim buule

Email.Radiowanlaweyn.@gmail