December 20 (Radiowanlaweyn.com)— Munaasabad lagu maamuusayo xuska sanad-guuradii 73aad ee ka soo wareegatay markii la aas aasay Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta lagu wadaa inay ka dhacdo magaalada Muqdisho.

Sanad walba 20-ka bisha December ayaa la qabtaa munaasabada lagu maamuusayo xuska sanad-guurada markii la aas aasay Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo ah ciidankii u horeeyay ee ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed oo la aas aaso.

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Jen. Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa hambalyo u diray Ciidamada Booliska Soomaaliyeed heer Federaal iyo heer maamul goboleed.

Jen. Maxamed Sheekh ayaa sheegay in Booliska Soomaaliyeed uu soo maray marxalado kala duwan, isagoo xusay in labadii sano ee u dambeeyay uu Booliska Soomaaliyeed ku tallaabsaday horumaro la taalab karo.

Ciidamada Booliska ayaa la filayaa inay soo bandhigaan dhoolatus, waxaana munaasabada sanad-guurada ka qeyb geli doona Madaxda dowladda iyo xubno ka tirsan wakiilada beesha Caalamka.

Booliska Soomaaliya ayaa la aas aasay sanadkii 1943, waana ciidankii u horeeyay ee ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, waxaa lagu tilmaamaa hooyada ciidamada qalabka sida.

 

ibraahim buule

 

Email.Radiowanlaweyn.@gmail