December 20 (Radiowanlaweyn.com)—Wararka aan ka heleyno magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in magaaladaasi lagu dilay agaasimihii madaxtooyada Puntland ee gobolka Bari.

Aadan Gaas Huruuse, agaasimihii madaxtooyada magaalada Boosaaso ayaa kooxo hubeysan waxay gelinka dambe ee maanta ku dileen magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Saraakiisha caafimaadka ayaa xaqiijiyay in Aadan Gaas uu u dhintay dhaawac kasoo gaaray rasaas kooxaha hubeysan la dhaceen, xili uu ku sugnaa bartamaha magaalada Boosaaso.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada dilka loo geystay Aadan Gaas, waxaana ciidamada Puntland ay baaritaan ka bilaabeen halka lagu dilay agaasimaha.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii dhaawac uu u geeriyooday taliye ku xigeenkii seddexaad ee ciidamada booliska, waana masuulkii labaad oo todobaad gudahiis lagu dilaa magaalada Boosaaso.

ibraahim siyaasi
Email.Radiowanlaweyn.@gmail