December 18 (Radiowanlaweyn.com)—  Meydka labo gabdhood oo Soomaali ah ayaa laga helay guri ku yaal magaalada Ottawa ee dalka Canada, iyadoo labadan gabdhood ay ahaayeen walaalo.

Kooxo hubeysan ayaa la sheegay inay ka dambeeyeen dilka labadan gabdhood, kuwaasoo meydkooda ku qariyay meel ka mid ah gurigii ay degenaayeen.

Booliska magaalada Ottawa ayaa sheegay inay qabteen dad lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen dilka, kuwaasoo baaritaano ku socdaan.

Gabdhaha meydkooda la helay ayaa lagu kala magacaabaa Nasiiba Noor oo 29 jir ah iyo Asma Noor oo 32 jir ah, waxaana da’dooda ay aheyd 23 jir iyo 32 jir.

Suad Mohamed oo saaxibo dhow la aheyd labada gabdhood ee la dilay ayaa sheegay inay aad uga argagaxday dilkooda, oo ka dhacay guri ay ka degenaayeen wadada McCarthy Road.

Sanadihii la soo dhaafay ayaa waxaa dalka Canada lagu dilay dhalinyaro badan oo Soomaali ah.

 

ibraahim buule

 

Email.Radiowanlaweyn.@gmail.com