December 18 ( Radiowanlaweyn.com)—Wararka aan ka heleyno deegaano ka tirsan gobolka Mudug dhanka Puntland ayaa sheegaya in mid kamid ah dadka xoolaha dhaqatada ah uu isku dilay deegaan ka tirsan gobolka Mudug.

Abaar daran ayaa ka dhacday waqooyiga gobolka Mudug, waxayna sababtay in dadka xoolo dhaqatada ay xoolo badan ku waayaan abaaraha ka jira deegaanada maamulka Puntland.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo lagu magacaabo Gorod ayaa BBC u sheegay in abaarta sababtay in dadka deegaanka is dilaan, maadaama xoolo badan ka dhinteen.

Wuxuu sheegay Gorod in mid kamid ah odayaasha dhaqanka uu is dilay kadib markii abaarta ay la tagtay xoolo badan oo uu dhaqan jiray, taasina ay sababtay inuu naftiisa is dhaafiyo.

Todobaad ka hor ayey aheyd markii nin 60 sano jir ah uu isku Daldalay Gobolka Galgaduud markii Abaartu ay Xoolihii uu dhaqan jiray ay dhameysay.

 

ibraahim buule

 

Email,Radiowanlaweyn.@gmail.com