December 17|2016(Radiowanlaweyn.Com)Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa eedeeymo adag u soo jeediyay Madaxda Maamulka Galmudug, kadib markii xildhibaanadaasi sheegeen in Madaxda Maamul goboleedka ay ka wada maqan yihiin deeganada Galmudug.

Shirkan deg deg ah oo xalay ay isugu yimaadeen qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug, ayaa waxa ay sheegeen in Madaxda Galmudug oo uu madaxweyne C/kariin ugu horeeyo ay ku tunteen Dastuurka u degsan Maamulkaasi.
Waxa ayna sheegeen inaysan fahmin sababata keentay in Afarta masuul ee ugu sareysa Maamulka Galmudug inay halmar ka wada maqan yihiin Maamulkaasi, xilligan uu maamulka Galmudug uu yahay hogaan la’aan.
Xildhibaan Maxamed Xusen oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug, ayaa wuxuu warbaahinta u sheegay in Dastuurka Galmudug Qodobkiisa 53-aad farqadiisa koowaad ay qeexayso habka la isugu wareejinaayo xilka Madaxweynaha Galmudug.
Xildhibaanadan ayaa dalbaday in la isugu yimaado kulan deg deg ah oo lagula xisaabtamaayo madaxda Galmudug ee caadeystay inay jabiyaan Dastuurka Maamulkaasi.
ibraahim buule
Email.Radiowanlaweyn.@gmail.com