December 17|2016(Radiowanlaweyn.Com)Milateriga Turkiga ayaa sheegay in 13 askari ay ku dhinteen 48 kalena ay ku dhaawacmeen weerar looga shakisan yahay in loo adeegsaday gaari ay waxyaabaha qarxa saarnaayeen oo lala eegtay bas ay askartaasisaarnaayeen.

Baska la weeraray ayaa marayey magaalada ku taalla bartamaha dalka Turkiga ee Kayseri, waxaana muuqaallo taleefishinada laga dawaday ay muujinayeen baska oo burbursan iyo dhaqwacyo laga daadgureynayo.

Weerarka ayaa ka dhacay meel aan ka fogayn jaamacadda Erciyes, waxaana masuuliyaddiisa sheegtay koox Kurdiyiin ah oo lagu magacaabo TAK kuwaas oo ka jabay jabhadda PKK ee iyadana u dagaalanta xornimada Kurdistan.

 

 

ibraahim buule

Email.Radiowanlaweyn@gmail.com