December 17 (Radiowanlaweyn.com)— Wasiiru dowlaha Cadaaladda Jen. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa sheegay in xilligii uu ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdishu uu waday qorshe uu Gobolku ku doonayay inuu ku yeesho Maamul la soo doortay, balse aan loo siin jaanis uu ku dhameystiro.

Jen. Muungaab ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad lagu soo dhoweynayay Drs. Mina Xasan Shibis oo dhowaan ku guuleysatay Kursiga Beesha Galmaax/Celi.

Mar uu ka hadlayay xuquuqdii Aqalka sare uu lahaa Gobolka Banaadir ayuu sheegay in Madax ay sabab u aheyd, isagoo ku baaqay in Madaxdaas oo hada musharax ah lagu ciqaabo sanaadiiqda codeynta.

“Madax ayaa naf ka dayday oo runtii mooday inay hadeertaan xuquuqdii Banaadir oo la gafsiiyo wax lagu helo, laakiin waxaan u malaynaa kuwaas in lagu ciqaabi doono sanaadiiqda codaynta”ayuu yiri Muungaab oo hadalkiisa u muuqday mid uu ku durayay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxaa uu ugu baaqay Xildhibaanad Drs Mina inay ka shaqeyso sidii xuquuqda Gobolka Banaadir u soo dhicin laheyd, isla markaana ay ka sugayaan inay la timaado dadaalkeeda, waxaana uu xusay in lagama maarmaan ay tahay in loo istaago sidii maqaamka Muqdisho loo cadeyn lahaa.

Jen. Muungaab oo xilli lagu tirin jiray inuu siyaasad ahaan aad ugu dhowaa Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa soo kala dhex galay kala fogaansho, kaddib markii sanadkii hore xilka laga qaaday, isagoo ku maqnaa dalka Kenya, hase ahaatee waxaa bishii Agosto loo magacaabay xilka Wasiiru dowlaha Cadaaladda, xilli ay dowladda waqtigeeda sii dhamaanaysay.

 

ibraahim buule

 

Email.Radiowanlaweyn.@gmail.com