December 17(Radiowanlaweyn.com)Dowladda Mareykanka ayaa labajibaartay lacagtii dulsaarneyd madaxa hoggaamiyaha ururka ISIS Abu Bakr al-Baghdadi kaas oo markii hore ahaa 10 milyan oo dollar, iminkana la gaarsiiyay 25 milyan oo dollar. |
Lacagtan cusub ee la dulsaaray madaxa Albaghdadi ayaa la mid ah tan dulsaaran madaxa hoggaamiyaha ururka Al-Qacida Ayman al-Zawahri.
Sidoo kale waxaa lacag la dul dhigay madaxooda labo xubnood oo cusub islamarkaana ISIS ka tirsan kuwaas oo kala ah Gulmurod Khalimov, ($3m) iyo Abu-Muhammad al-Shimali oo isna la dul dhigay ($5m). Albaghdadi ayaa la rumeysan yahay in uu ku sugan yahay magaalada Mosul oo ah dowladda Ciraaq iyo xulufadeedu weerar xooggan ku hayaan si ay ula wareegaan.
ibraahim buule
Email.Radiowanlaweyn.@gmail.com
|