December 17 (Radiowanlaweyn.com)— Iyadoo lagu waday in muddo labo maalmood lagu soo gaba gabeeyo howlaha la xiriira diiwaan gelinta iyo bixinta kaararka aqoonsiga ee Xildhibaanada la soo doortay, ayaa waxaa soo baxaya in gaabis badan uu ka jiro, taasoo horseedeysa dib u dhacyo ku yimaada doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha.

Madasha Wada-tashiga Qaran ayaa todobaad ka hor go’aan ay soo saareen waxay ku shaaciyeen in 15 bisha uu furmi doono kalfadhiga koowaad ee Baarlamaanka 10aad, lana dhaarin doono Xildhibaanada cusub, iyadoo uu dib u dhac ku yimid waqtigaas.

Gaabiska uu ku socdo diiwaan gelinta Xildhibaanada iyo bixinta kaararka aqoonsiga ayaa sabab u ah in Xildhibaanada laga soo doortay aanay badankood imaan magaalada Muqdisho, sababo la xiriira diyaarad la’aan.

Illaa iyo hada 128 Xildhibaan oo ka tirsan Xildhibaanada Aqalka Hoose ayaa la siiyay kaararka aqoonsiga iyo shahaadada Guddiga doorashooyinka, waxaana tiradan ay aad uga hooseysaa tirada laga rabo kooramka uu ku fariisanayo Baarlamaanka cusub.

Waxaa qorshuhu yahay in ka badan 180 Xildhibaan hadii la helo in kooramka uu buuxiyo, isla markaana la fariisiyo Baarlamaanka, balse waxaa caqabad ka jirta sidii ay u soo dhameystirmi lahaayeen labada maalmood ee soo socda.

Doorashada Guddoonka Baarlamaanka oo qorshuhu ahaa inay dhacdo 22-ka bishan ayaa waxaa ka taagan hubaal la’aan, maadaama aan wali la dhaarin Xildhibaanada, lana sameyn Guddiyadii doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha.

Gaabiska ku jira dhameystirka hanaanka doorashada ayaa waxaa uu sababi karaa in doorashada 2016 ay dib u dhacdo, ayna gaarto illaa horaanta bisha Janaayo ee sanadka 2017.

abdulahiodawa-iyo-xidigsaadaq-shahaado

ibraahim buule
Email.Radiowanlaweyn.@gmail.com