December 17|2016(Radiowanlaweyn.Com) Waxaa maanlintii shaley Degmada Wanlaweyn ku soo gabagaboobay horyaalka degmada kaa oo ay soo qabanqaabiyeen Qurbajoogta kasoo jeeda Degmada Wanlaweyn iyadoo koobkaasi lagu xusayay Allaha u naxariistee Malaaq Cumarey koob kani oo ku tartamayeen kooxaha heerka kowad iyo kuwa labaad ee kadhisan degmada wanlaweyn ayaa finaalka waxaa isku yimid labada koox ee Haakaaw iyo Turkish.
Waxaa tartamay kuwa ku ciyaarayay magaca Turkish iyo kooxda lagu magacaabo HAAKAAW kuwaa oo kadhisan tuulada Haakoow taa oo hoos timaada degmada Wanlaweyn iyadoo guusha ay raacday kooxda ku ciyaareysay magaca HAAKOW iyadoo kaga awood roonaatay 2-1 sidaasi ayaa koobkii lagu maamuusayay malaaqa Cumar lagu gudoon siiyay kooxda ku badda cagta ee Haakoow ayadoo ay tahay markii ugu horeysay ku guuleysato koob lagu dhigay degmada .
Sidoo kale kooxda kubada cagta haakoow ayaa ilaa maanta ku dabaaldageysa xaafadaha degmada maadaama ay ku guuleeysteen koobka.
Kooxdan ayaa kasoo badisay kooxo waa weyn oo ay hamid yihiin xooxaha Malable iyo Bakaal kuwaa oo ka tirsan degmada Wanlaweyn.
Yaa soo qaban qaabiyey ciyaarahan, wax kabaro magacyada qurbajoogta reer Wanlaweyn
1- Maxamed Badal OKEY
2- Cabaas Cabdi tooxoow
3- saleebaan Abasheekh
4- Cali Maxamed Xaaji
5- Yuusuf Xaashi
6- Saalax boodboode
7- Yaxye Cabdulaahi GANEY
Kuwani waa Halyeeyada Bahda Qurba joogta waxayna mudan yihiin in la maamuuso.
Audio Player