December 17|2016 (Radiowanlaweyn.com)Duleedka magaalada Jowhar waxaa ka socdo howlo wado falis oo ay wadaan ciidamada AMISOM kaas oo looga goleeyahay sidii ay u sahlanaan laheyd soo gelissa magaalada Jowhay oo ah xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.

Mashiino waaweyn oo wadooyinka lagu falo iyo kuwa lagu simo ayay u adeegsanayaan ciidamadu howlodooha ku aadan ballaarinta wadooyinka soo gala magaada.

Horay ayay howlo noocaan oo kale ah waxa ay ciidamada AMISOM uga fuliyeen wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye taas oo dhib ay ku qabeen gawaarida sababo la xiriira bur-bur baahsan oo wadooyinka soo gaaray.

 

 

ibraahim buule

 

Email.Radiowanlaweyn@gmail,com