December 17 (Radiowanlaweyn.com)— Ra’iisul Wasaarihii hore ee dowladdii KMG aheyd Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa maanta shaacinaya ololaha uu ugu jiro Tartanka Madaxtinimada xilka Madaxweynaha, iyadoo munaasabad uu kaga dhawaaqayo musharaxnimadiisa ay ka dhaceyso Hotelka City Palace ee magaalada Muqdisho.

Cali Maxamed Geeddi oo kol hore bartiisa Facebook ku shaaciyay inuu yahay Musharax, ayaa munaasabadan maanta dhaceysa ay tahay mid uu si rasmi ah uu uga hadlayo damaca uu ugu jiro xilka Madaxtinimada.

Mr Geeddi oo ahaa Ra’iisul Wasaarihii ugu waqtiga dheeraa ee dowladihii KMG ee dalka soo maray 16-kii sano ee la soo dhaafay, ayaa lagu tilmaama nin ad adag oo hadalo kulul leh, waxaana uu ka mid ahaa Ra’iisul Wasaarayaashii isku casilay khilaafyada siyaasadeed ee dhex maray Madaxweynaha.

Ra’iisul Wasaarihii hore Cali Geeddi ayaa xilka hayay intii u dhaxeysay sanadihii 2004-2007-dii, waxayna labo jeer is qabteen isaga iyo Madaxweynihii dowladdii KMG ee lagu soo dhisay Mbaghati ee dalka Kenya AUN C/llaahi Yuusuf Axmed, waxaana uu mar ka bad baaday inuu waayo codka kalsoonida Baarlamaanka sanadkii 2006-dii, xilligii dowladdii KMG ay fadhisay Baydhabo.

Mr Geeddi ayaa ammaan iyo dhaliilba loo jeediyaa intii uu xilka Ra’iisul Wasaarenimada uu hayay, waxaana loo soo qaataa hadalkii uu jeediyay sanadkii 2007-dii ee ahaa in dadka degan waqooyiga Jidka Warshadaha ay isaga guuraan, xilligaasoo dowladdii KMG ee Muqdisho ku cusbeyd ay kacdoono kala kulmeysay xooggag hubeysan.

Xukuumaddii uu hoggaaminayay ayaa mas’uul ka aheyd inay dalka soo galaan Ciidamo shisheeye, gaar ahaan Ciidamadii Itoobiya ee xukunka ka tuuray Midowgii Maxkamadaha Islaamka dhamaadkii sanadkii 2006-dii

cali-geeddi

Si kastaba ha ahaatee Cali Maxamed Geeddi ayaa noqonaya Musharaxii 7aad ee ka soo jeeda Beelaha Muddullood ee isku soo taga xilka Madaxweynaha, sidoo kale waa uu ku biirayaa musharaxiinta xargaha goostay ee u wada taagan Kursiga Madaxweynaha.

ibraahim buule
Email.Radiowanlaweyn.@gmail.com