December 17 (Radiowanlaweyn.com)— Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo muddo saacado ah ay la wareegeen.

Sida ay sheegayaan wararka dagaal kooban oo xalay saqdii dhexe ka dhacay degmada ayaa waxaa inta la og yahay ku dhintay labo askari.

Dagaalka ayaa xooggiisa ka dhacay agagaarka Buundada magaalada, waxaana markii dambe ay ciidamada dowladda uga baxeen banaanka magaalada.

Al-Shabaab ayaa illaa xalay 4-tii habeenimo ku sugnaa degmada, iyagoo isaga baxay ka hor salaadii subax.

Ciidamada dowladda ayaa salaadii subax kaddib gudaha u galay degmada Mahadaay, waxaana xaalada saaka ay tahay mid degan.

Degmada Mahadaay ayaa u jirta magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabeelle qiyaastii 27KM, waana markii u horeysay ee Al-Shabaab soo weeraraan, tan iyo markii la dhisay maamulkan.

 

ibraahim buule

Email.Radiowanlaweyn.@gmail.com