December 16 (Radiowanlaweyn.com)Madaxweynaha la doortay ee dalka Mareykanka, Donald Trump, ayaa u magacaabay David Friedman inuu noqdo safiirkiisa Israa’iil. Friedman oo ah qareen 57 sano jir ah, ayaa Trump kala talinyay arrimaha Israa’iil intii uu ku guda jiray ololaha doorashada. |
War qoraal ah oo uu soo saaray Donald Trump ayuu ku sheegay in aqoonta uu Friedman u leehay gobolka ay muhiim u tahay xoojinta xiriirka Mareykanka iyo Israa’iil.
Friedman ayaa sheegay inuu daneynaya inuu ka shaqeeya “safaaradda Mareykanka ee caasimadda Israa’iil ee Qudus”. Tallaabadaasi ayaa ka careysiin doonta Falastiiniyiinta oo bariga Qudus u arko inay tahay dhul ay iyagu leeyihiin. Qarammada Midoobay uma aqoonsano Qudus inay tahay caasimadda Israa’iil, safaaradda Mareykanka-na waxaa sanado badan xarun u ahayd Tel Aviv. Balse Trump ayaa ballan qaaday intii uu ololaha ku jiray inuu caasimadda Mareykanka uu u wareejin doono Qudus. Ra’iisal Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu oo aan xiriir wanaagsan la lahayn madaxweyne Obama ayaa soo dhaweeyay doorashada Trump.
ibraahim buule Email.Radiowanlaweyn@gmail.com
|