December 16 (radiowanlaweyn.com)— Taliye kuxigeenkii saddexaad ee Ciidamada Booliska Puntland G/lle Jaamac Saxar-diid ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray weerar dabley hubeysan shalay ku qaadeen gudaha magaalada Boosaaso

Sida ay sheegayaan wararka dhaawaca ka soo gaaray weerarka ayaa ahaa mid aad u culus, iyadoo markii dambe dhaawac uu ugu geeriyooday Isbitaalka.

Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland ayaa xaqiijiyay geerida Taliyaha, iyagoo sheegay inay aqoonsadeen cidii ka dmabeysay, balse ma aanay magacaabin.

War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay inay ka dambeeyeen weerarka lagu qaaday Taliye kuxigeenka, iyadoo ku eedeysay in Sarkaalkan uu ka mas’uul ahaa howl galo dad badan lagu raafay oo ka dhacay deegaanada Puntland.

Magaalada Boosaaso ayaa horay waxaa lagu dilay saraakiil ciidan iyo mas’uuliyiin, waxaana mas’uuliyada dilalkaas horay u sheegatay Al-Shabaab.

Maamulka Puntland ayaa dagaalo kula jira Xoogaga Al-Shabaab iyo Daacish oo dhowaan laga saaray degmada Qandala oo markii u horeysay la wareegeen.

taliye-kuxigeenka

ibraahim siyaasi