December 16 (Radiowanlaweyn.com)Dacwadii ka socotay magaalada Baydhaba ee u dhexeysay siyaasiyiinta xilkooda sii dhamaaday iyo Oday dhaqameedyada ku sugan magaaladaasi. Ka dib markii ay siyaasiyiintu culays la kulmeen dhanka dacwooyinka iskuna dayayeen in ay wada hadalo la furaan Odayaasha dhaqanka ee ku sugan magaalada Baydhabo.

Odayaasha siyaasiyiinta raacsan ayaa qaarkood hadda bilaabay wada hadalo ka dib Ergooyin ay si dhuumaaleysi ah ay u qorteen. Beelaha wada hadalada bilaabay waxaa ka mid ah beesha Hiifmuge oo la sheegayo in Ergooyinkii isku af garteen tii horayna latuuray mid cusubna ay Soo qoraan islamarkaana loo madax baneeyo Odayaasha dhaqanka lagana saaro siyaasiyiinta iyo Odayada taabacsan siyaasiyiintaas.

wada hadal dheer ka dib waxa ay u qeybsadeen sidan soo socota:-

Hiifmuge oo ka midah Beelaha shancaleemo waa afar gamaas

  1. Reer Cumar              13
  2. Reer Maad                13
  3. Reer Mataan            13
  4. Reer Macalin           12

Dhanka kale waxaa magaalada Baydhabo maanta ka dhacay musharax ka tirsan beesha Hiifmuge lana yiraahdo C/llaahi Cali Caalin Af-yare kaa oo maanta ku dharbaaxay askari ka tirsan ciidamada Itoobiya waxa ayna ka dhacday Afaafka hore ee Madax tooyada kadibna xabsiga loo taxaabay musharaxaas saacadooyin kadibna u suurta gashay in wada hadal lagu dhameeyo arinta.

Beesha Jambaluul oo ka mid ah beelaha Shanta Caleemo shalay wada hadal la galeen xil dhibaan ka tirsan koonfur Galbeed lana yiraahdo Xil dhibaan Taraafiko wada hadalkaasna weli uu socdo isla markaana shalay lagu soo kala tagay in aanay Odayaashu ogolayn Ergooyinka si dhuumaaleysiga ah loo soo qortay.

Wixii ku soo kordhana dib ayaadna kala socan doontaan mahadsanidiin.

ibraahim siyaasi