December 15/2016 (Radiowanlaweyn)Qarax aad u xooggan oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa goor dhow ka dhacay agagaarka Gurigii Hooyooyinka ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa mid aad u xooganaa oo laga wada maqlay inta badan magaalada Muqdisho, waxaana ku dhintay ninkii isqarxiyay iyo seddax qof oo dhaawac ah.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya, wuxuuna qaraxu saameeyay maqaayada The Village ee ku taal Guriga Hooyooyinka.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in maqaayadda uu burbur soo gaaray dhismaheeda iyo goobihii ay dadka fadhiyeen.

Ciidamada dowladda ayaa goobta gaaray, waxayna xireen agagaarka maqaayada iyo wadada hormarta oo dhawaan laami la saaray.

Maqaayada The Village ayaa sedax jeer oo hore la qarxiyay, waxaana dadkii ku dhintay maqaayadaasi u badnaa wariyeyaal.

ibraahim buule