December/14/2016 [Radiowanlaweyn.com]Nin reer Britain ah ayaa lagu xukumay 12 bilood iyo hal maalin oo xabsi ah ka dib markii uu isku dayay in uu qori xoogo si uu u dilo Donald Trump. Michael Sandford oo labaatan jir ah ayaa dambigaaas qirtay bishii sagaalaad.

Waxaa lagu eedeeyay in uu qori ka xoogay askari ku sugnaa isu soo bax lagu qabtay Las Vegas si uu u dilo Trump oo markaaas murashax ahaa.

Hooyadii ayaa sheegtay in uu aad ooga xun yahay ficilkii uu ku kacay. Dacwad oogeyaasha ayaa markii hore doonayay in Sandford lagu xukumo 10 sano oo xabsi ah maadaama uu qorsheeyay dil.

Qareenada u doodaya ayaa sheegaya in wiilku uu qabo walwal iyo baqdin xad dhaaf ah. Maxkamaduna waxay dhagaysatay dalab ku aadan in la sii daayo afar bilood ka dib, intaas wixii ka dambeeyana loo masaafuriyo Britain.

ibraahim siyaasi

Email.radiowanlaweyn@gmail.com