December 02 (Radiowanlaweyn)— Wararka ka imaanaya Cadaado ayaa sheegaya in goor dhow lagu wado inay dhacdo doorashada kursiga 3aad ee Beesha Saleebaan/Heysoow oo ay ku tartamayaan labo musharax oo kala ah C/qaadir Cali Cumar iyo Saabir Nuur Shuuriye oo ah Ganacsade, kana mid ah Mas’uuliyiinta Shirkadda Favori ee gacanta ku heysa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Tartankan ayaa lagu tilmaamay mid adag, iyadoo maanta oo jimco ah ay ka dhici doonto xarunta Madaxtooyada Cadaado oo aheyd halkii ay maalmihii la soo dhaafay ka dhacayeen doorashada Aqalka Hoose.

C/qaadir Cali Cumar oo saaxib dhow la ah Madaxweynihii hore Sheekh Shariif ayaa dadaal badan ugu jira sidii uu mar kale u difaacan lahaa kursiga Beeshiisa.

Hase ahaatee waxaa uu wajahayaa culeysyo uga imaanaya Madaxtooyada oo wadato Saabir iyo Madaxweynaha Galmudug oo maalmahan fara gelin ku hayay qaar ka mid ah kuraasta Aqalka Hoose ee taala Cadaado.

Wararka lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in labada nin ee aadka u loolamaya ay maalmihii la soo dhaafay wadeen olole aad u xooggan, waxaana socday kala jiidashada xubnaha ergooyinka labada dhinac.

Loolanka ugu adag ayaa ka jira 17 ergo oo ka madax banaan labada dhinac jufooyinkooda hoose, waxaana dad badan ay saadaalinayaan cidii hesha 17-ka ergo ay ku guuleysan doonto kursiga Aqalka Hoose.

C/qaadir Cali Cumar ayaa taageero ka heysta dadka deegaanka, halka ninka la tartamayo Saabid uu wato dhaqaale aad u fara badan, waana mida ay ku kala duwan yihiin, isla markaana laga yaabo in lacagta ay shaqeyn weydo.

Waxyaabaha dadka hadal hayaan ayaa waxaa ka mid ah in Tartanka Kursigan ay si hoose ah ah ugu dagaalamayaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynihii hore ee Sheekh Shariif.

Tartamadii kuraastii hore ee laga soo doortay Cadaado ayaa loo adeegsaday dhaqaale fara badan iyo awood, taasoo keentay walaaca Beesha Caalamka iyo in shaki la geliyo qaar ka mid ah kuraastii lagu guuleystay.

Radowanlaweyn@gmail.com

WQ/  maxamed shuutaale