Taariikh: December 2, 2016 (Radiowanlaweyn.com)

Daqiiqad ayaa loo aamusi doonaa isbuuca soo socda dhamaan kulamada Champions League iyo Europa League dadkii ku dhintay diyaaradii ku burburtay dalka Colombia.

71 qof oo ku geeriyooday burburkaan diyaaradeed ayaa waxaa kujiray kooxda kubada cagta ee Chapecoense ee ka dhisan dalka Brazil.

kooxda Chapecoense oo ay la socdeen saraakiil iyo saxafiyiin ayaa diyaarada ay kula burburtay magaalada Medellin xili ay isku diyaarinayeen kulanka kama dambeysta ee Copa Sudamericana oo ay la ciyaari lahaayeen kooxda Atletico Nacional.

Saraakiisha Duulista Rayidka ah eedalka Colombia ayaa tan iyo markaas wada baritaano dheeraad ah iyadoo la rumeysan yhay in shil kadis ah ay gashay diyaarada.

Radiowanlaweyn@gmail.com

WQ/  maxamed shuutaale