November 30 (radiowanlaweyn.com)— Maamulka Gobolka Banaadir ayaa hakiyay howlihii Ceymiska Gaadiidka ee shirkadda Takaaful, kaddib cabasho iyo gadood ay sameeyeen darawalada gaadiidka dadweynaha ee ka shaqeeya magaalada Muqdisho iyo naxaawigeeda.

Gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaano BL-ka ayaa shalay shaqo joojin sameeyay, iyagoo ka cabanayay amar ka soo baxay Wasaaradda Gaadiidka oo ahaa inay galaan Ceymis Qasab ah.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane ayaa sheegay in ayaa sheegay in la tixgeliyay cabashadii ka timid gaadiidleyda, isla markaana la hakiyay howlihii Ceymiska Gaadiidka.

“Waxaa rabaa inaan u sheego Gaadiileyda BL-ka in codsigooda iyo cabashooda la tixgeliyay, waxaa uu Maamulka Gobolka Banaadir uu joojiyay howlihii Ceymiska”ayuu yiri C/fataax Xalane.

Shalay ayay aheyd markii magaalada Muqdisho ay ka dhacdo gaari la’aan, kaddib markii ay shaqo joojin sameeyeen Gaadiidka dadweynaha ee BL-ka.

Hanti dhowraha Guud iyo Garyaqaanka Guud ayaa ka soo hor-jeestay lacagaha ceymiska ee lagu soo rogay gaadiidleyda, iyagoo sheegay in aanay jirin meel adduunka la isku qasbayo Ceymis.

Wasaaradda Gaadiidka ayaa u fasaxday shirkad gaar ah in Ceymis ka qaado gaadiidka Muqdisho, iyadoo gaadiid walba ee ka shaqeeya magaalada Muqdisho lagu soo rogay in bishii uu bixiyo $62.5, waxaana gaadiidleyda ay sheegeen in aysan awoodin bixinta lacagtaas.

Dowladda Soomaaliya ayaa Shirkado gaar ah u gacan gelisay howlihii adeegyadii dadweynaha, iyadoo shirkadahan ay ka macaashaan dhaqaalaha laga qaado.

W.D\ Xasan hatrik

Email.radiowanlaweyn@gmail.com