arbaco.30.2016(radiowanlaweyn.com)-Gabar 19 sano jir Somali-American ah ayaa taariikh ka dhigtay dalka Mareykanka kadib markii ay ka qeybgashay iyadoo xijaaban tartanka caalamiga ah ee Miss Minnesota USA, iyadoo ka mid noqotay 15-ka qof ee ugu horeeya tartankaan.

Halima Aden oo ku dhalatay dalka Kenya, balse iyadoo aad u yar la geeyay dalka Mareykanka, waxayna tartankaan kasoo gashay magaalada St. Cloud, waxayna dadkii daawanayay iyo dadkii kale ee shaashadaha kala socday u dhigtay wacdaro, iyadoo ay kasbaday taageerayaal fara badan oo Muslimiin iyo gaalo intaba isugu jiray.

Halima ayaa sheegtay in ka qeybgalka tartankaan uu ku dhashay iyadoo horay aysan ugu qeybgelin dad muslimiin ah oo xiran dharka haweenka Muslimiinta xirtaan sidaasina ay jeclaysatay in ay ku muujiso dareenka dumarka Islaamka iyo in meesha laga saaro dagaalka lagula jiro xijaabka dumarka Muslimiinta oo aan loo arkin wax xun.

Gabadhaan Soomaaliyeed ayaa gaartay semifinalka, iyadoo nasiibkeeduna noqday inay 15 qof ee ugu sareeya tartankaan ka mid noqoto.
miss-minnesota-usa-halima-1miss-minnesota-usa-halima-2miss-minnesota-usa-halima-3miss-minnesota-usa-halima-4miss-minnesota-usa-halima-5miss-minnesota-usa-halima-6miss-minnesota-usa-halima-8miss-minnesota-usa-halima-47miss-minnesota-usa-halima-9

W.D\ Xasan hatrik
Email.radiowanlaweyn@gmail.com