November 20 (radiowanlaweyn.com)— Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta gaaray magaalada Jowhar ayaa la kulmay Madaxweynaha Hirshabeelle, Guddiga doorashooyinka heer gobol iyo Ururada Haweenka.

Micheal Keating ayaa kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble, iyagoo ka wada hadlay arrimaha doorashooyinka iyo sidii loo hirgelin lahaa shuruucdii doorashooyinka ee ay horay u gaareen Madaxda Madasha Wada-tashiga qaran.

Sidoo kale Micheal Keating ayaa ugu baaqay madaxweynaha Hirshabeelle in la dar dar geliyo doorashada Aqalka Hoose, isla markaana la xaqiijiyo qoondada Haweenka 30%  ee kuraasta Baarlamaanka.

Micheal Keating ayaa waxaa kulanka ku wehliyay Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya iyo Safiirka Sweden ee Soomaaliya.

Waxaa kaloo Ergeyga Qaramada Midoobey uu la kulmay Guddiga doorashooyinka heer gobol, isagoo kala hadlay shaqaaqadii dhowaan dhacday, isagoo xusay in muhiim tahay in la adkeeyo nabadgelyada halka ay dhaceyso doorashada.

Goor sii horeysay ayaa waxaa gaaray magaalada Jowhar Wafdi uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka dadban ee heer Federaal Avv, Cumar Dhagey oo ay wehliyeen Taliyeyaasha Booliska iyo Nabadsugida.

Doorashadii Aqalka Hoose ayaa lagu wadaa in dib loo bilaabo maalinta arbacada, kaddib markii Guddiga doorashooyinka uu hakiyay, iyadoo habeenkii jimcaha uu ka dhacay is rasaaseyn ka dhalatay buuq iyo muran ka dhashay mid ka mid ah kuraasta aqalka hoose ee lagu tartamayay.

kkkk1kk2kk3

Abdinaasir shidane

Email.radiowanlaweyn@gmail.com