November 18-(radiowanlaweyn.com)-Maamulka Jubbaland ayaa noqday maamulkii ugu horeeyey ee dhameystira inta badan xubnaha ku metelaya aqalka hoose ee baarlamanka Somalia.

Waxaa maamulkan loo qoondeeyey inuu buuxiyo 43 kursi oo ka mid ah 275-ka kursi ee uu kooban yahay aqalka hoose ee baarlamanka Somalia, waxaana maalmahan ka socday doorashooyin ergooyinka beelaha ay ku kala saarayeen musharaxin isku soo taagay iney ku guuleystaan kuraastan.

Labo ka mid ah xildhibaanada aqalka hoose ee Juballand ayaa maanta lagu doortay magaalada Kismaayo kuwaasoo kala ah Maxamed Cali Magan iyo Daleys Xasan Aadan.

Waxaa ku jira xubnaha ku soo baxay aqalka hoose ee Juballand 11 haween ah taasoo muujineysa in qiyaastii %90 dumarku ay ka heleen qoondadii %30-ka aheyd ee loo qorsheeyey.

Waxaa kale ka mid ah xubaha la doortay siyaasiyiin caan ah, ganacsato iyo dhalinyaro ku cusub siyaasadda oo qaarkood doorashada kaga guuleystay rag wasiiro iyo xildhibaano soo ahaa in ka badan toban sano, waxaana arintan ay noqotay isbedel cusub oo aad loola yaabay.

Waxaa kale oo xusid mudan in doorashada xubnaha aqalka hoose ee Juballand ay aheyd tan ugu dhibka iyo isqabqabsiga yar marka loo eego doorashooyinka la midka ah ee ka socda magaalooyinka kale ee dalka.

Haddaba hoos ka akhriso liiska magacyada 42-ka mid ah 43-ka xildhibaan ee laga rabay iney Juballand ku metelaan aqalka hoose ee baarlamanka Somalia:-

 

Xildhibaanada Cusub ee Maamulka Jubbaland

1-Cabdirashiid Maxamed Xidig     2-Eng. C/Casiis C/llahi Yuusuf         3-Cismaan Liibaan

4-C/llahi Yuusuf Alankey           5-Maryan Aweys Jaamac       6-Liil Cabdi   

7-Xamza Sheekh Xuseen     8-C/raxmaan Kulmiye Xirsi (C/raxmaan Dheere) 

9-Axmed Cismaan Ibraahim     10- Sacdiyo Muuse C/llahi     11-Farxiyo Xasan Axmed

12-C/qaadir Sheekh Cali     13-Sheekh Nuur Maxamed Xasan    14-Cabdullahi Obokar Xaaji

15-Haashim Nuur Aadan   16- Maxamed Cumar Cali (Caano-nuug)  17-Jibriiil Cabdirashiid Xaaji

18-Maxamed Cali Xuseen     19-Cabduqaadir Aadan Nuur    20-Xasan Cabdi Ismaaciil

21-Maxamed Cabdi Gaandi    22-Xaawo Maxamed Aadan      23-Isaaq Aadan Xasan

24-Maxamed Aadan Macalin     25-Maxamed Xasan Idiris    26-Liibaan Ismaan Cabdiraxmaan

27-Cabaas Cabdullahi Siraaji    28-Cabdi Cali Xasan    29-Cabdicasiis Cabdullahi Maxamed

30-Maxamed Diiriye Khaliif     31-Maxamed Nuur Iftiin    32- Cusmaan Saqoor Ibraahim

33-Yuusuf C/fitaax Maxamed    34-Cambaro c/qaadir Maxamed    35-Sahro Xaaji Xussen

36-Cabdifitaax Maxamed Cali     37-Sahro Xaaji Xuseen    38-Saqar Ibraahim Yuusuf

39-Maxamed Nuur Iftin   40-Cabdiqaadir Maxamed Cismaan   41-Maxamed Cali Magan        42-Daleys Xasan Aadan

 

Abdinaasir shidane

Email.radiowanlaweyn@gmail.com