Wuxuu sheegay Mr Abe inuu aaminsan yahay in xiriir is aaminaad leh uu la yeelan karo Trump. Shinzo Abe ayaa jawiga kullanka oo ka dhacay dhismaha Trump ee ku yaalla New York ku micneeyay mid aad u diirranaa.

Mr. Trump kama uusan qeybgalin shirka jaraa’id ee uu qabtay ra’iisul wasaaraha dalka Japan.
Fasax dhanka maamuuska ah aawadii, waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka kumeysan lug yeelanin qabanqaabinta kullankaasi.

Donald Trump, ololihiisii doorashada intuu ku jiray wuxuu Japan iyo dalalka kale ee Aasiya ku booriyay inay dhaqaale ku bixiyaan militariga Mareykanka. Sidoo kale diidmadiisa dhanka ganacsiga Trans-Pacific ayaa waxay sii hurisay walaaca Aasiya.

Abdinaasir shidane

Email.radiowanlaweyn@gmail.com