November 17-(radiowanlaweyn.com)-Kooxda Dekedda oo lasoo wareegtay dhowr xiddig oo halis ah ayaa diyaar garoow xoogan waxa ay ugu jirtaa horyaalka heerka koowaad ee Soomaaliya kaasoo furmaya Jimcaha nasoo aadan.

Saxiixyada cusub ee kooxda Dekedda ayaa isku diyaarinaya in kullankooda ugu horeeya ay u ciyaaraan naadigooda, ciyaarta toddobaadka dambe ay wajahayaan Barig Dhexe.

Macallinka koobka la saaxiibka ah ee Yuu Cali ayaa dhawaan loo dhiibay shaqada tababaranimo ee kooxda Dekedda, waxa uuna isku diyaarin doono dagaalka horyaalka oo billaaban doono Jimcaha.

Dekedda ayaa kullankeeda ugu horeeya waxa ay la ciyaari doontaa naadiga ku cusub xilli ciyaareedkaan horyaalka Soomaaliya ee Bariga Dhexe, waxaana kaddib isku sii raaci doono kullamo adag sida Gaadiidka, Jeenyo, Heegan iyo Horseed.

M/N Maalinta Taariikhda Kooxaha Wada Ciyaarayo Saacadda Garoonka
04 Talaado 22/11/2016 B/Dhexe Vs Dekedda 15:30pm Banaadir
               
08 Sabti 26/11/2016 Gadiidka Vs Dekedda 15:30pm Banaadir
               
12 Arbaco 30/11/2016 Jenyo Fc Vs Dekedda 15:30pm Banaadir
16 Isniin 05/12/2016 Dekedda Vs Heegan 15:30pm Banaadir
               
22 Talaado 13/12/2016 Dekedda Vs Horseed 15:30pm Banaadir
               
28 Arbaco 21/12/2016 Dekedda Vs M. United 15:30pm Banaadir
34 Khamiis 29/12/2016 Dekedda Vs Elman 15:30pm Banaadir
40 Jimco 06/01/2017 Dekedda Vs B.S.C. 15:30pm Banaadir
45 Jimco 13/01/2017 Waxool Vs Dekedda 15:30pm Banaadir

 

Abdinaasir shidane

Email.radiowanlaweyn@gmail.com