November 17-(radiowanlaweyn.com)-Wasiirka Arrimaha Gudaha C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa goor dhow ku guuleystay Kursiga Aqalka Hoose ee xubinimada Baarlamaanka, kaddib doorasho ka dhacday degmada Cadaado ee xarunta KMG ah ee dowlad goboleedka Galmudug.

Mr Odawaa ayaa helay codod dhan 46 cod oo ahaa ergadii dooraneysay, halka Musharaxii kale ee la tartamayay oo lagu magacaabo Maxamed C/llaahi Maxamed uu helay 5 cod.

C/raxmaan Odawaa ayaa ka mid ah wasiirada aadka ugu dhow Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana horay loo filayay inuu ku guuleysanayo kursiga Xildhibaannimo ee beesha uu ka soo jeedo ee reer Xaaji Saleebaan.

Doorashadii shalay ka kala dhacday magaalooyinka Cadaado iyo Jowhar ayaa waxaa kuraasta Aqalka Hoose ku soo baxay siyaasiyiin taageersan Madaxweyne Xasan Sheekh, taasoo horseedi karta in mar kale Madaxweynaha la doorto afarta sano ee soo socota.

Xubnihii shalay ku soo baxay aqalka Hoose ayaa waxa ka mid ahaa Shaqaalihii Xafiiska Madaxweynaha, sida Agaasimihii iyo Agaasime kuxigeenkii Madaxweynaha, taasoo dad badan durbaba sawirteen in Kooxda Madaxtooyada ay

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa galaan-gal xoogan ugu jirtay sidii rag taageersan Madaxweynaha ay ugu soo bixi lahaayeen, waxaana xubnihii shalay soo baxay ka mid ahaa Gacan-yarayaasha Madaxweynaha sida Agaasimihii Madaxtooyada iyo kuxigeenkiisa Cali Balcad iyo Saadaq C/kariin.

Abdinaasir shidane

Email.radiowanlaweyn@gmail.com