November 17-(radiowanlaweyn.com)-Iyadoo saddexdii cisho ee la soo dhaafay maxkamad ku taal dalka Mareykanka ay ka socotay Dhageysiga Dacwad loo haystay 9-dhalinyaro Somali ah, ayaa xukunkii ugu dambeeyay ee maxkamada ay rido waxa ay ku riday saddex dhalinyaro ah.

Dhalinyaradan ayaa ahaa kuwii ugu dambeeyay ee Maxkamada ay xukunto, waxa ay horay maxkamada u xukuntay 6 dhalinyaro ah.

Xukunka maanta ay riday maxkamada ayaa ahaa mid naxdin badan, kadib markii Guleed Cumar oo 22 jir ah, maxkamada ay ku xukuntay 35-sano oo Xabsi ah.

Sidoo kale maxkamada ayaa xukuntay Abdirahman Daud iyo Maxamed Faarah oo min 22 jir ah, waxaana lagu xukumay min 30 sano.

Dhalinyarada ayaa iska diiday eedeymo la xiriira inay qorsheynayeen ku biirista Kooxda Daacish ee dalalka Syria iyo Ciraaq ka dagaalanta, hayeeshe maxkamada horteeda ayaa la keenay marqaatiyaal cadeeyay inay qorsheynayeen ku biirista Daacish.

Guuleed ayaa noqonaya qofkii ugu xukunka dheeraa sagaal wiil oo Soomaali ah oo maalmahan xukunno kala duwan lagu riday.

Hooyada dhashay Guuled oo ku sugneyd goobta maxkamada ayaa markii ay maqashay Qaadiga oo ku dhawaaqay xukunka 35-sano ah istaaga ayeey ka dhacday, waxaana loola cararay Isbitaal.

Waxaa si weyn loo hadal haayaa Xukunkaan ay riday maxkamada Minnesota, iyadoo cabsi iyo walaac xoogan ay soo food saartay Somalida ku nool dalka Mareykanka ee kiiskaan la socday.

Abdinaasir shidane

Email.radiowanlaweyn@gmail.com