November 16 (radiowanlaweyn.com)—Waxaa saaka ka bilowday magaalada Jowhar doorashada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka iyadoo dhowaan la soo gabagabeeyay magaalada Jowhar doorashada Aqalka Sare.

Hase yeeshee doorashada Aqalka Hoose oo aad u xamaasad badan ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ka socday magaalada Jowhar diyaargarow loogu jiro doorashada Aqalka Hoose.

Balse sidii la filayay doorashadan ayaa qaarkood waxa ay noqdeen kuwo si dhab ah u dhacdo halka qaar kalana ay musharixiinta ay tanaasuleen.

Xildhibaanadii maanta ku guuleystey doorashada iyo beelaha ay ka soo jeedaan;

1)- Khadiijo Maxamed Diiriye   Beesha Yaxar

2)- Maxamed Xasan Qoone   Beesha CabdaleSamatalis.

3)- Cabdirisaaq Cumar Maxamed Beesha IbraahimCiise.

4)- Faarax Shiikh Cabdqaadir Beesha Reer OwXasan

5)-Cabdullaahi Maxamed Cali(Sanbaloolshe)Beesha Cali Madaxweyne

6)-Cali Maxamed Cumar(CaliBalcad) Beesha Hilibi

7)-Aadan Cali Xasan Kamaandey Beesha Moobleen.

8)- Xiis Xasan Nuur Aadan oo ah haweeney  (Baajamaal)

Waxaa lagu wadaa in berri ay dhacdo doorashada beelaha Yabar Dige, Shabelle iyo Makane.

W.D/ ibrahim tanza.

Email.radiowanlaweyn@gmail.com

dorasho-jwhr-8

dorasho-jwhr-1

dorasho-jwhr-2

dorasho-jwhr-3

dorasho-jwhr-4

dorasho-jwhr-5

dorasho-jwhr-6

dorasho-jwhr-7