November 16-(radiowanlaweyn.com)-Ka dib markii xalay dagaal qaraar iyo qaraxyo ku dhexmaray duleedka degmada Tiyeeglow ciidanka Dowlada Somaliya iyo Alshabaab ayaa saaka laga dareemayaa xaalad xasilooni oo aan laysku halayn Karin.

Sarkaal uhadlay ciidanka Dowlada Somaliya ayaa warbaahinta usheegay in Alshabaab ay ku jebiyeen dagaalkaas oo ayna gacanta ku hayaan degmada Tiyeegloow ee Gobolka Bakool.

Lama Oga Khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi oo ka imaanaya degmada Tiyeegloow.

Dhanaka Kale Alshabaab ayaa iyagana guulo ka sheegtay dagaalkaasi waxayna sheegtayn in ay maamulayaan degmada Tiyeegloow.

Ma jiraan warar ka madax banaan sheegashada labada dhinac oo ay helayso Warbaahinteena radoiwanlaweyn.com

Abdinaasir shidane

Email.radiowanlaweyn@gmail.com