November 16 (radiowanlaweyn.com)—Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/Xakiin Cumar Cameey, oo warbaahinta la hadlay ayaa ka dhawaajiyay in nabadda magaalada Gaalkacyo haboon tahay in looga dambeeyo odayaasha dhaqanka iyo culumada gobolka Mudug.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland, wuxuu soo hadal qaaday in siyaasad ahaan loo wajahayo nabbada magaalada Gaalkacyo, taasina aysan habooneyn, islamarkaana loo baahan yahay in waxgaradka magaalada looga dambeeyaa nabbada magaalada Gaalkacyo.

Wuxuu sheegay in odayaasha dhaqanka ay xalin karaan shaqadaadii dhawaanahaan ka dhacday magaalada, balse siyaasiyiinta xalka saxiixi karaan marka ugu dambeyso oo nabbada magaalada lagu guuleysto.

Dhinaca kale wuxuu sheegay in iminka aysan wanaagsan in nabad galyada magaalada Gaalkacyo loo tagaa magaalo kale, laakiin wuxuu amaanay maamul goboleedyada dalka ka jira sida ugu dadaaleen dhameynta dagaaladii magaalada ka dhacay.

“Waxaan qabaa anigu in nabada magaalada aysan habooneyn in loo aadaa magaalo kale, waxaana wanaagsan in odayaasha dhaqanka loo madax banaaneeyaa nabadeynta Mudug ugu dambeyna siyaasiyiinta isla gartaan, laakiin ma haboona in hab siyaasadeed loo wajahaa xalka”ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Magaalada Gaalkacyo waxaa ka socdo shirar kala duwan oo la doonayo in lagu dhameeyo xiisadihii dagaal ee ka dhacay galbeedka magaalada.

Abdinaasir shidane

Email.radiowanlaweyn@gmail.com