November 15 (radiowanlaweyn.com)— Maamulka Somaliland ayaa ku eedeysay Safiirka Turkiga u qaabilsan Soomaaliya Amb. Olgan Bekir inuu u gafay, kana soo yeeray hadalo aan u cuntameyn oo shaki gelinaya madax banaanidooda.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Axmed Yuusuf Cilmi ayaa wax laga xumaado hadalka ka soo yeeray Safiirka oo ahaa in Soomaaliya la mideeyo, isagoo xusay in Somaliland horay go’aan u qaadatay 25-sano ka hor ay ka go’een Soomaaliya.

“Hadalka Safiirka ka soo yeeray oo uu yiri Hadafka ay ka leeyihiin wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland oo ah in Soomaali la mideeyo, oo dowlad mid ah ay ahaato meesha uu ka keenay isaga ayaa ka jawaabi doona iyo in Mowqifka Turkiga uu yahay kan Safiirka uu ka hadlay isagaa sheegi doona”ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland.

Waxaa uu sheegay inay warqad cabasho u qoreen Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga, ayna ka sugayaan jawaab cad, isagoo ku tilmaamay hadalka Safiirka inuu yahay wax aan la qaadan karin.

“Hadalka Safiirka waxaa galaya su’aal, dhex dhexaadkii ay ka ahaayeen Soomaaliya iyo Somaliland, markii hore dhaliilo ayaa qabnay, waxaa ka fiirsan doonaa in Turkiga ay garwadeen ka noqoto wada hadalada”ayuu mar kale yiri.

Dowladda Turkiga ayaa sanadihii u dambeeyay ku howlaneyd wada hadalsiinta dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland, iyadoo shirar dhowr ah oo ka dhacay magaalada Istanbul aanay wax natiijo ah ka soo bixin.

Ismaaciilmire

Email: radiowanlaweyn@gmail.com