November 15 (radiowanlaweyn.com)— Maxkamadda sare ee dalka Masar ayaa maanta go’aamisay in la joojiyay xukunkii dilka ahaa ee sanadkii la soo dhaafay lagu ridday Madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Morsi.

Amar ka soo baxay Maxkamadda ayaa lagu sheegay in dacwada la qaado mar kale, iyadoo gebi ahaanba baabi’isay xukunkii sanadkii hore ay ridday Maxkamad ku taal Qaahira.

Maxamed Morsi ayaa lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa xabsi  laga baxsaday sanadkii 2011, xilligii uu socday kacdoonka looga soo horjeeday Madaxweynihii hore Xusni Mubaarak.

Mr Morsi ayaa ka mid ahaa Xisbiga Ikhwaanul Muslimiinka, waxaa uu ahaa Madaxweynihii u horeeyay ee si dimoqraadi loo soo doorto.

Sanadkii 2013 ayaa Milateriga Masar ay xukunka ka tuureen, kaddib dibad baxyo looga soo horjeeday dowladdiisa, waxaana tan iyo wixii ka dambeeyay mudadaas xabsi ayuu ku jiray.

Dowladda Masar ayaa mamnuucday Ururka Ikhwaanul Muslimiinka, waxayna ku tilmaamtay urur argagixiso, waxaa xabsiga la dhigay boqolaal ka mid ah xubnihii ururkaas oo ay ku jiraan madaxdii xisbigaas.

Abdinasir Shidane

Email.radiowanlaweyn@gmail.com