November 15 (radiowanlaweyn.com)— Khilaaf iyo murano ayaa hareeyay doorashooyinka Aqalka Hoose ee ka socda xarumaha maamul goboleedyada, iyadoo uu sii xoogeystay cabashooyinka ka imaanaya beelaha qaar iyo Musharaxiin loo awood sheeganayo.

Waxaa dib u dhac ku yimid wajigii labaad ee doorashada Aqalka Hoose ee maanta ka dhici lahaa magaalooyinka Cadaado iyo Baydhabo ee xarumaha KMG ee maamulada Galmudug iyo Koofur Galbeed.

Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee labada maamul ee Galmudug iyo Koofur Galbeed ayaa ku tilmaamaya dib u dhacyadan arrimo farsamo iyo murano soo baxay.

Wajiga labaad ee doorashada Aqalka Hoose ee maanta ka dhici lahaa Baydhabo ayaa ahaa kuraasta Xildhibaanada ka imaanaya Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo 20 Xildhibaan lagu wado in la soo doorto.

Sidoo kale Doorashada Aqalka Hoose ee Cadaado ayaa iyana labo maalin dib ugu dhacday arrimo is qab qabsi hareeyay musharaxiinta qaar iyo cabashooyin beelaha qaar ka keenayaan habka loo xulay ergooyinka, iyadoo magaalada la geeyay ergooyin dad gaar ah wataan.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Guddiga doorashooyinka heer federaal oo ku aadan buuqa iyo khilaafaadka hareeyay doorashada Aqalka Hoose ee deegaanada Galmudug iyo Koofur Galbeed

Maamulka Jubbaland ayaa buuq la’aan dhameystiraya doorashada xubnaha aqalka hoose, waxaana muuqata in magaalada Kismaayo aanay ka jirin buuqa iyo muranka ka jira Cadaado iyo Baydhabo.

Xildhibaanada Aqalka Hoose ayaa qorshuhu yahay in lagu dhameystiro muddo todobaad gudahood, hadii mudadaas dib uga dhacdo, waxaa dib u dhac ku imaanaya doorashada Guddoonka Baarlamaanka oo horay la qorsheeyay inay ku dhacdo 23-ka bishan.

Cabashooyinka iyo khilaafaadka cusub ee ka imaanaya deegaanada maamul goboleedyada ayaa waxay hubanta ka dhigi karaa in mar kale dib u dhac ku yimaado doorashada Guddoonka Baarlamaanka labada Aqal iyo tan Madaxweynaha ee lagu wado inay dhacdo 30-ka bishan oo 15-maalmood kaliya ay ka harsan yihiin.

ismaaciilmire
Email. radiowanlaweyn@gmail.com