November 16-(radiowanlaweyn.com)-Ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa Goor dhaw Al-shabaab kala wareegay Degaanka Miir-tuugo oo ka tirsan Gobolka Shabellaha Dhexe.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Ciidamada Huwanta ah ay Degaanka Hareereeyeen islamarkaana ay Shabaab ka baxeen Degaanka.

“Ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa hadda Gudaha u galay Magaalada,waxaa ay wadaan Baaritaano Miino Baaris ah,waxaana sidoo kale ay la kulmeen Bulshada Degaanka”ayuu yiri Sargaal la hadlay Warbaahinta Magaalada Muqdisho.

Al-shabaab ayaa dhanka Bariga Degaanka Miir-tuugo uga baxay ,waxayna halkaas ay Maamulayeen Mudo Dhowr Bilood ah.

Abdinaasir shidane

Email.radiowanlaweyn@gmail.com