November 7 (radiowanlaweyn.com)— Iyadoo dagaalada magaalada Gaalkacyo ka dhacaya maalmo badan qaateen, ayaa waxaa kordhaya baaqyada nabadeed ee loo jeedinayo madaxda maamulada Puntland iyo Galmudug.

Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe”, madaxweynaha Jubbaland ayaa ka hadlay dagaalada magaalada Gaalkacyo, wuxuuna baaq nabadeed u jeediyay madaxda maamulada Puntland iyo Galmudug.

Axmed Madoobe, wuxuu sheegay in dagaalada magaalada Gaalkacyo dhibaatooyin badan geysteen, balse hadda loo baahan yahay in nabada Gaalkacyo ay ka shaqeeyaan madaxda labada maamul goboleed.

Sidoo kale wuxuu sheegay in madaxda looga baahan yahay iney dhowraan hishiiskii dhawaan lagu gaaray magaalada Dubia, kaasi oo wajigiisa labaad lagu balansan yahay inuu ka dhaco magaalada Kismaayo.

Axmed Madoobe, ayaa wafdi nabadeyn ah u diraya magaalada Gaalkacyo, sida uu sheegay waxayna ka shaqeyn doonaan sidii xabada magaalada Gaalkacyo loo joojin lahaa.

Dagaalka maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa sababay dhimashada dad badan iyo in kumanaan ruux ka barakacaan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

W.D/ Xasan hatrik

Email.radiowanlaweyn@gmail.com