October 31 (radiowanlaweyn.com)— Waxaa saaka xaalad deganaan ah laga dareemayaa magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug oo muddooyinkii ugu dambeeyay ku dagaalamayeen ciidamada maamulada Galmudug iyo Puntland.

Xaalada deganaanta ayaa waxaa barbar socdo barakac iyo walwal ay qabaan shacabka ku nool magaalada Gaalkacyo oo muddooyinkaan lagu dul dagaalamayay.

Dagaalada ka dhacayay magaalada Gaalkacyo ayaa sababay in ku dhawaad 80 kun ka barakacaan magaalada dagaalada awgood, sida hayadaha Qaramada Midoobay sheegeen.

Inkastoo xaalada magaalada degen tahay haddana mar kastaa waxaa la fileysan karaa dagaalo ka dhaca Galbeedka magaalada, maadaama wali ciidamada labada maamul is horfadhiyaan.

Waxaa socdo dadaalo ay wadaan odayaasha dhaqanka ee labada maamul oo ku doonayaan inay ku kala qaadaana ciidamada is hor fadhiya.

W.D/xasan hatrik

Email.radiowanlaweyn@gimail.com