October 28 (radiowanlaweyn.com)— Sacuudiga ayaa ku eedeeyay Jabhada Xuutiyiinta Yemen in gantaal kuwa ridada dheer ah ay u soo rideen dhinaca magaalada barakeysan ee Makka al Mukarama.

Sida ay shaacisay wakaalada wararka ee Sacuudiga gantaalka uu ku dhacay meel 60-KM u jira magaalada Makka, balse aanu geysan wax khasaare ah.

Wakaaladda ayaa sheegtay in mid ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee Xulafada Sacuudiga hoggaaminayo ay duqeysay halkii laga soo riday gantaalka.

Hase ahaatee Jabhada Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay in gantaalka ay u rideen dhinaca garoonka diyaaradaha magaalada Jeddah oo qiyaastii 100km u jirta magaalada Makkah.

Sacuudiga ayaa sanadkii la soo dhaafay duulaan ku qaaday Xuutiyiinta Yemen, kuwaasoo la wareegay inta badan dalka oo dhan, waxaana dhowaan sacuudiga iyo xulafada uu hogaaminayo lagu eedeeyay dambiyo dagaal, kaddib markii ay duqeeyeen goobo rayid degan yihiin.

W.D/xasan hatrik

Emailradiowanlaweyn@gmail.com