October 28 (radiowanlaweyn.com)— Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa la kulmay Kuxigeenka Madaxa USAID ee Xafiiska u qaabilasan arrimaha Dimuqraadiyada, Khilaafaadka iyo Gargaarga Bini’aadannimada (DCHA) Mr. David Harden, Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Amb Schwartz, iyo wafdi la socday, waxaana kulanka RW Ku-Xigeenka ku wehliyay Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Qorsheynta.

Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa kala hadlay Mr. David Harden iyo Amb Schwartz sidii dowaladda Soomaaliya iyo USAID ay uga wadashaqeeyn lahaayeen horumarka, xasiloonida iyo dimuqraadiyada.

“Waxaan diyaar u nahay in dalkeenu uu gaaro horumar waara oo ku saleeysan hab loo dhanyahay, xasilooni amni iyo dimuqraadiyad, tasoo fursad weyn siineysa dhalinyarada si loo yareeyo kuwa aaminsan aragtida xag-jirnimada, Waxaan maanta leenahay Qorshaha Horumarinta Qaranka oo dhincayada waxbarshada iyo caafimaadka muhiimad gaar ah siinaya; waa midaa waxa aan dooneyno inaan USAID kawada shaqeeyno”.

Mudane Carteh ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay tahay saxiib muddo badan garab taagneyd Soomaaliya.

“Dowladda Mareykanka waa saxiib muhiim ah oo ay leedahay Soomaaliya oo ku garab taagan horumarka iyo la dagaalanka argagixisada”.

Ugu dambeyn RW Ku-Xigeenka ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacbiga Mareykanka taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Soomaaliya.

W.D/xasan hatrik

Email.radiowanlaweyn@gmail.com

artearte1arte2